Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo shaacisay in dalka kusoo celineyso muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran dalka …

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii dalka loogu soo celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran dalka dibadiisa ,kuwaa uu saameyn ku yeeshay xayiraada dhinaca socdaalka uu sababay cudurka Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in dowladdu ay ka shaqeeneyso sidii dalka loogu soo celin lahaa mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale.

Waxa ay sheegtay Wasiirka in ay la socdaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran dalal badan oo dibadda ah, waxa ayna balan qaaday in dadaal lagu bixin doono sidii dalka loogu soo celin lahaa muwaadiniintaasi loolana socon lahaa xaaladooda caafimaad.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in lala soconayo xaaladda caafimaad ee mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ku xayirnaa dalka Turkiga oo habeen hore lagu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada caalamiga si looga hortago faafida cudurka caronavirus, waxaana joojinta duulimaadyada saameyn badan ku yeesheen Soomaali badan oo ku xayiran wadamo kale oo caalamka kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Siciid Deni oo cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in Daacish katirsan yihiin

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---