Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad hor leh oo Muqdisho ugu dhintay Caronavirus iyo tirada dadka laga helay oo korortay

Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in ay kordheen tirada dadka u dhintay caabuqa Caronavirus ee ku sugan magaalada Muqdisho halka sidoo kale ay kordheen tirada dadka laga helay Carona.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caawa shaacisay in sadex qof oo hor leh  ugu dhinteen caabuqa Caronavirus.

Waxa ay sidoo kale sheegtay Wasiirada caafimaadka in ay kordheen dadka uu haleelayo Caronavirus, waxa ayna xaqiijisay Fowsiya in la diiwaan galiyay 20-kiis vusun oo Caronavirus.

Wasiirka caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in si xowli ah ugu faafayo magaalada Muqdisho caabuqa Caronavirus, waxa ayna ugu baaqday bulshada in taxadar sameeyaan sidoo kale laga wada shaqeeyobed qabka umada.

Kiisaska Caronavirus ee laga helay gudaha Soomaaliya ayaa hada gaartay 80-kiis halka dadka u dhintay ay gaarayaan 5-qof, waxaana laga cabsi qabaa in tirada hada la ogyahay ay kasii kordhaan saacadaha soo aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugaas Caan ah iyo nin ilaalo u ahaa oo lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Cabdi Cade

Yuusuf Dabageed & siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo lagu soo dhoweeyey Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Madasha Stockholm ee Nabadda & Horumarka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---