Madaxweynaha Jubbaland oo amar ku bixiyay in gacan bir ah lagu qabto dadka ku lugta leh …

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay dagaal dhiig badan ku daatay oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka ka socda duleedka magaalada Kismaayo ay hurinayaan gacmo kale, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan dad dano guracan u adeegsanaya daadinta dhiiga shacabka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa amar ku siiyay Hay’adda amaanka maamulka Jubbaland in gacan bir ah ku qabtaan sharcigana hor geeyaan dadka ku lugta leh iyo kuwa hurinaya colaada duleedka magaalada Kismaayo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Axmed Madoobe

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -