Laamiga Dayniile oo 30-sano kadib dib u dhis casri ah lagu sameenayo

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in si rasmi ah loo dhagax dhigo dib u dhis balaaran oo lagu sameenayo laamiga aada xarunta degmada Dayniile oo bur bursanaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dib u dhiska laamiga Dayniile ayaa ka bilaabanaya isgooska kuliyadda Jaalle Siyaad waxaana la filayaa on la dhiso ilaa xarunta degmada Dayniile, laamigan oo bur bur xoogan ka muuqday ayaa maristiisa dhibaato lagu qabay sanadihii lasoo dhaafay.

Dhismaha laamiga cusub ee la saarayo degmada Dayniile ayaa waxaa iska kaashanaya shacabka degmada, Ganacsato iyo dad kale oo kasoo jeeda degmada Dayniile kuwaa oo kulamo badan kadib isla gartay in la bilaabo dhismaha Laamiga.

Qorshaha dib u dhiska lamaigan ayaa mar hore soo bilowday, waxaana dib u dhac u keenay isbadal ku yimid maamulkii hore ee gobolka Banaadir uu hogaaminayay allaha u naxariistee Marxuum Eng Cabdirxamaan Yariisow.

Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ayaa aad usoo dhaweeyay in dib u dhis lagu sameeyo laamiga kaliya ee degmadaasi dhax mara, dhismaha laamigan ayaana wax badan ka taraya bilicda degmada iyo sidoo kale horumarka degmadaasi.

- Advertisement -