Wasaaradda amniga Somalia oo qoraal cusub ka soo saartay arrinta Shiikh Shariif (Akhriso)

Wasaaradda amniga Xukuumada Somalia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in hay’adaha amaanka dalku abaabuleen weerar lagu qaado hoyga Madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed.

Hadalkan ayaa sida muuqata jawaab u ah qoraal ay soo saartay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo Ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen Hoyga Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay magaalada Muqdisho sida qoraalka loo dhigay.

Xildhibaano mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa barahooda ku baahiyey saaka in dowlada Somalia ay ciidamo dul dhigtay hoyga Madaxweynihii hore Shiikh shariif arrintaasoo ay sheegeen iney keeni karto dhibaato cusub iyo qalalaase.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaarada amniga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -