Dagaal ka dhacay Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb

Dagaalo ayaa ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo wararku sheegayaan iney dhexmareen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna

Dagaalkan oo sida muuqata daba dagaalo la mid ah oo ka socday Dhuusamareeb ayaa bilowday kadib markii duhurnimadii Maanta ay Saldhiga Booliska degmada ay xoog kula wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna

Hase ahaatee Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ee Dowladda Soomalaiya oo ku sugnaa Guriceel waxay dagaal rogaal celi ah kula wareegeen Saldhiga iyo Guud ahaan degmada Guriceel, waxaana la sheegay inay isaga baxeen Ciidamadii ahlusunna.

Wariyeyaal ku sugan degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaaladii ka dhacay degmadaas ay ku geeriyoodeen Saddex Askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, iyagoo intaas ku daray in xaaladu degan tahay inkastoo xiisad kacsan ay jirto.

Dhinaca kale dagaaladii saaka ka qarxay Dhuusamareeb ayaa yara qaboobay duhurnimadii maanta, inkastoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo goobaha lagu dagaalamay saaka, welina faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -