Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay saraakiisha Booliska Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa caawa casho sharaf u sameeyay saraakiisha cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska DGGM.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -