Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay in abaabul iyo guluf dagaal ka wado Gobolka Gedo

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaan daro ku tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ciidamo badan u daabusho degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Mr Guuleed in dowlada federaalka looga baahnaa in ay abaabusho dagaal ka dhan ah Al Shabaab , waxa uuna ayaan daro ku tilmaamay in dowlada taa badalkeeda abaabul ka wado gobolka Gedo si Jubbaland ugala wareegto gobolkaasi.

”Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland.” ayuu yiri C/Kariin Guuleed.

Cabdikariin Guuleed ayaana ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in ay joojiso abaabulka ay ka wado Gedo, waxa uuna kula taliyay dowlada khilaafka kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland in wadahadal lagu dhameeyo.

”Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed oo dhan dhanlka ciribtirka iyo ladagaalanka xoogagga argagaxisada ah.” ayuu yiri Guuleed.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan iyo gaadiid dagaal geysay degmooyin katirsan gobolka gedo oo horey gacanta ugu hayeen maamulka Jubbaland, waxaana dowlada hada la wareegtay inta badan gacan ku heynta degmooyinka gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -