Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qatar oo yeelatay Ra’isul Wasaare cusub kadib markii uu is casilay R/Wasaarihii hore

Sida ay baahisay Wakaalada wararka u faafisa dowlada Qatar Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa iska casilay xilka uu hayay kadib istiqaalo uu u gudbiyay Amiirka dalka Qatar.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa aqbalay is casilaada Ra’isul Wasaaraha oo qoyskiisa kamid ahaa, waxa uuna durba Amiirka magacaabay Ra’isul Wasaare cusub .

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar ayaa loo magacaabay Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani oo isna kamid ah Qoyska xukumada Qatar, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha xilka kala wareegayaa Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi.

Abdullah Bin Nasser Al Thani ayaa mudo 7-sano ah Ra’isul Wasaare ka ahaa dalka Qatar, waxaana kahor inta uusan Ra’isul Wasaare noqon sanado badan horey uga mid ahaa Xukuumada Qatar maamusha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo saxiixaya amar culus oo ka dhan ah Shabakada TikTok

Cabdi Cade

Raila Odinga oo Balan qaaday in uu dib soo celinayo Suuqa Qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Cabdi Cade

Qatar oo bixisay digniin la xiriirta maamulka garoonka diyaaradaha ee Kabul

Cabdi Cade
Taboola Ads ---