Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo War cusub soo saaray

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa xili kordhin u sameeyey waqtiga loo asteeyey is diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Xuseen Tahliil (Calool-geel) ayaa sheegay in waqtiga isdiiwaan gelinta ay maanta ku ekeyd balse ay ku dareen hal maalin gaarsiiyeena illaa 2:00 Duhurnimo ee beri oo Talaado ah.

Sidoo kale Caloolgeel ayaa sheegay in doorashada Madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso waqtiga loo asteeyey oo ah 30-ka Bishan Janaayo sanadka 2020, uusana jirin wax isbedel ah oo lagu sameeyey jadwalka doorashada.

Musharaxiinta isku soo taagay xilka Madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay iney gaarayaan shan xubnood oo kala ah Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Cabdiraxmaan Axmed Sabriye, Musharax Madaxwayne Galmudug Axmed Shire Maxamed (falagle) iyo Musharax Madaxwayne Axmed Cabdullaahi Samatar, wuxuuna xusay in sidoo kale ay isdiiwaan geliyeen shan Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Hadalka guddiga ayaa ku soo beegmaya xili afar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Galmudug oo shir jaraaid qabtay ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -