Geeri Naxdin leh oo caawa ka dhacday xaflad Aroos ka socotay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay caawa ku geeriyootay Gabar la sheegay inay xaflad Aroos ka ciyaareysay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gabadhan ay ka mid aheyd dad fara badan oo ka soo qeyb galay xaflada arooska, ayna si lama filaan ah dhulka ugu dhacday xilli ay ciyaareysay, kana qeyb qaadaneysay mashxarada arooska.

Dadkii halkaas joogay ayaa ku waramay in goobta ay xafladu ka dhaceysay oo aad u kululeyd loo malaynayo iney sababtay iney suuxdo gabadhan oo la xaqiijiyey iney laheyd uur yar, iyadoo markii isbitaalka loola cararayna la xaqiijiyey iney geeriyootay.

Markii la soo sheegay geerida gabadhan ayaa goobta aroosku ka dhacayey waxaa dabooshay murugo iyo argagax, iyadoo dadkii halkaas ku sugnaa ay si weyn uga naxeen geerida lama filaanka aheyd ee gabadha ku timid.

Xafladii arooska aheyd ayaa markii dambe gebi ahaan la joojiyey iyadoo dhacdadan caawa si weyn looga hadal hayo magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -