Mahad Salaad “Shalay Qalbi dhagax ayey dhiibeen Maantana Amal Nuur Cusmaan”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia dhaleeceeyey talaabadii ay DF ugu gacan gelisay dowlada Denmark Amal Nuur Cusmaan oo ah gabar Soomaali ah oo waalidkeed ay kala soo carareen dalkaas si tarbiyada Islaamka loo baro.

Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in gabadhaas loo gacan geliyo dal shisheeye, iyadoo aan la tusin hooyadeed oo muddo ka badan labo bilood ka maqneyd.

“Shalay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayay inta afduubeen Itoobiya u dhiibeen. Maantana Amal Nuur Cusmaan oo waalidkeed dhul gaalo kala soo cararay si diinteeda iyo dhaqankeeda loo badbaadiyo ayay Mogadishu inta ka afduubeen dib ugu celiyeen dalkii lagala soo cararay” ayuu yiri Mahad Salaad.

Amaal hooyadeed ayaa dhowaan sheegtay in gabadheeda ay gabdho kale ka wadeen goob ay wax ka baraneysay, una gacan geliyeen ciidanka madaxtooyada Somalia oo ay ku eedeysay iney afduub iyo kufsi u geysteen.

Balse madaxtooyada Somalia oo arintaas ka gilgilatay ayaa sheegtay iney baaritaan sameyneyso, waxaana maalmo ka dib taliska Booliska Somalia uu sheegay in la soo helay Amaal, waxayna ka dib ku wareejiyey safaarada Denmark, iyagoo soo bandhigay muuqaal lagu wareysanayo Amaal oo ay ku sheegeyso ineysan jirin cid afduubatay iyo askar dhibaato u geysatay.

Talaabadan ay dowlada ku gacan gelisay Amaal oo u muuqatay mid Villa Somalia uga aargunaeysay hooyadii eedeysay ciidanka madaxtooyada ayaa dad badan ka careysiisay, iyagoo tilmaamay iney qalad tahay in hooyo muddo labo bilood raadineysay gabadheeda lagu wareejiyo dowlad kale iyadoo aan la tusin hooyadii dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -