Oradyahan Kenyan ah oo cagihiisa uga baxsaday xero uu ku tababaranayay iyo Sababta keentay

Orodyahan u dhashay dalka Kenya oo tababar ku qaadanayay xero kutaala magaalada Kapsabet ee galbeedka Kenya ayaa cagihiisa ku baxsaday, kadib markii xerada soo gaareen saraakiil orodyahanada ka baareysa adeegsiga daawooyinka sare u qaada awooda.

Saraasiisha baaritaanada ku sameysa orodyahanada ayaa si aan horey loo shaacin ugu duulay xerada Orodyahanada lagu tababaro ee kutaala magaalada Kapsabet, hasa ahaatee waxa ay halkaasi kula kulmeen arin lama filaan ku noqotay.

Mid kamid ah orodyahanada xerada tababarka ku qaadanayay ayaa la sheegay markii saraakiisha yimaadeen xerada xeendaabkeeda ka booday, waxa uuna ku baxsaday cagihiisa isaga oo ka cabsi qabay in baaritaan lagu sameeyo.

Dhacdadan waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Barnaba Korir oo kamid ah orodyahanada Kenya, waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca Orodyahanka baxsaday iyo waliba sababta ku kaliftay.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa ku warantay in orodyahanka looga shakisan yahay in uu isticmaalay daawooyinka mamnuuca ah ee awooda kordhiya sidaasna uga cabsaday in baaritana lagu sameeyo.

In ka badan 55-Oradyahan oo u dhashay dalka Kenya ayaa cunaqabteyn lagu soo rogay shantii sano ee lasoo dhaafay kadib markii lagu helay isticmaalka daawooyinka awooda orodayahanada kordhiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -