Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo dooneysa in ay Madaxweyne Noqoto

Haweeneyda ugu taajirsan qaarada Afrika oo lagu magacaabo Isabel dos Santos, ayaa shaacisay in ay dooneyso in Madaxweyne ka noqoto dalka ay kasoo jeedo ee Angola, waxa ayna haweeneydan inta badan nolosheeda kusoo dhax nooleyd Madaxtooyada Angola.

Isabel dos Santos, oo 46-sano jir ah ayaa waxaa dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, waxa ayna haweeneydan kamid tahay Haweenka dunida ugu taajirsan.

Wargeyska arimaha dhaqaalaha ee Forbes ayaa haweeneydan ku tilmaamay in ay tahay gabadha ugu hantida badan Qaarada Afrika, waxaana hantida gabadhan Wargeysku ku sheegay 2.2 bilyan oo doolar.

(FILES) In this file photograph taken on February 5, 2018, Angolan businesswoman Isabel dos Santos looks on as she visits the recently started EFACEC Portuguese corporation’s electric mobility industrial unit in Maia, central Portugal. – An Angolan court, acting in a graft investigation, has frozen bank accounts held by Isabel dos Santos, the daughter of former president Jose Eduardo dos Santos, the public prosecutor said. Dos Santos — who has been nicknamed Africa’s wealthiest woman — is being investigated with her husband Sindika Dokolo in a corruption affair involving more than a billion dollars (euros), it said in a statement issued late December 30, 2019. (Photo by MIGUEL RIOPA / AFP)

Haweeneydan Bilyaneerka ayaa sheegtay in ay aad u dooneyso in dalkeeda hogaamiso kana noqoto Madaxweyne , Waxayna intaa raacisay in ay tahay qof wadani ah, waxbadanna ay ka qaban karto dalkeeda haddii ay madaxweyne noqoto.

Waxa ay sheegtay Isabel Dos Santos in ay doneyso in ay sameyso wax walbo oo karaankeeda ah si ay dalkeeda u hogaamiso uguna horseedo horumar, iyadoona rajo ka muujisay in ay guuleesan karto hadii ay tartanto.

Haweeneydan oo caan ku aheyd dhanka ganacsiga ayaa dhawaan waxaa lasoo darsay fadeexad kadib markii lagu eedeeyay in ay sameesay musuq maasuq ayna isdaba marisay lacag aad u badan.

Xafiiska dacwad oogaha Angola ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan lacag dhan hal bilyan oo doolar oo ay shegeen in ay doonayaan inay kala soo wareegaan Isabel, lacagtaas oo Dowladda Angola sheegtay in laga dhacay dowladda.

Isabel Dos Santos oo horey Aabaheed ugu magacaabay shirkadda shidaalka ee Angola, ayaa iska beenisay eedeemaha musuq maasuq ee loo soo jeediyay, waxa ayna sheegtay in eedeemahaasi yihiin kuwa siyaasad ay ka dambeyso oo sumcadeeda lagu dhaawacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -