Dil Caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay nin oday ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkaasi geestay askari katirsan ciidanka dowlada.

Sida aan wararka ku helnay askari katirsan ciidanka dowlada oo howlgal ku jiray ayaa xaafad katirsan Dhuusomareeb toogtay nin oday ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale.

Wali lama oga sababta keentay in askarigan dil u geesto qof shacab ah inkastoo ay soo baxayaan warar kala duwan, waxaana askariga dilka geestay gacanta ku haya ciidamada amaanka .

Dilkan caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadaya xili aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusomareeb oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka dhacaan doorashooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -