Ciidamo gaar ah oo xalay howlgal qorsheesan ka fuliyay Xaafad katirsan Muqdisho

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen xaafad katirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa galay guri la sheegay in bartilmaameed u ahaa , waxaana ciidamada ahaayeen kuwa aad u feejigan kuwaa oo si xoog ah ku galay guriga bartilmaameedka u ahaa.

Dadka degan xaafada Xamar Jadiid ayaa maqlay dhawaqa wax u eg qaraxyo oo la sheegay in ciidamada albaabada ku furanayeen, warar kale ayaa sheegaya in ciidamada guriga ay galeen ka heleen waxyaabaha qarxa ayna qarxiyeen.

Ciidamada ayaana howlgalka intii uu socday soo qab qabtay dhowr qof, mana jiro faah faahin badan ay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ka bixiyeen howlgalkii xalay iyo cida lagu soo qabtay.

Howlgalkan ayaa imaanaya xili shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay bar koontarool oo kuyaaka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho, lamana oga in howlgalkan daba socday qaraxii shalay dhacay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -