Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo saakay la xareeyay xili uu …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saakay guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug ay xareeyeen dhamaaan Odayaasha saxiixayaasha ah ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Guddiga ayaa xerada Shiirkole dejiyay Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana guddiga maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaayeen xalinta khilaaf ka taagnaa Odayaasha saxiixayaasha ah.

Waxaa horey xarunta Shiirkole ugu xareesnaa in ka badan 20-Oday dhaqmeed waxaana saakay la xareeyay inta badan odayaashii harsanaa kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay xareesmadooda uu khilaaf ka taagnaa.

Odayaasha saakay la xareeyay qaarkood ayaa la sheegay in wali khilaaf ka jiro matalaadooda, waxaana guddiga farsamada meesha ka saareen qaar kamid ah Saxiixayaashii hore ee Galmudug iyagoona ku bedelay odayaal kale oo la wato.

Waxaa la filayaa Odayaasha la xareeyay in dhawaan soo saaraan liiska Xildhibaano horey loo diyaariyay kuwaa oo qeyb ka noqon doona Baarlamaanka cusub uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Guddiga farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda soo saaraan habraaca cusub ee doorashada Galmudug kadib markii uu socon waayay midkii ay horey usoo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -