Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa Wasaarada Gaashaandhiga kadib markii …

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dib ugu shaqo bilaabay xafiiska uu ku leeyahay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho.

Farmaajo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku shaqeenayay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna kasoo guuray xafiiskii uu ku lahaa Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Madaxweynaha oo ku shaqeenayay Wasaarada Gaashaandhiga ayaa Madaxtooyada ugu soo laabtay sidii u xalin lahaa Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen Gudoomiyihii is casilay ee Jawaari.

Farmaajo ayaa ku guuleestay xalinta Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa uuna Madaxweynaha ku qanciyay Jawaari in uu iska casilo xilka.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta dib uga shaqo bilaabay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga si loo dar dar galiyo howlaha ciidanka Milatariga .

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku shaqeynayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga , waxa uuna Madaxweynaha ku guuleestay isbadal lagu sameeyay Hogaanada ciidanka Milatariga iyo isku dhaf ciidanka Xooga lagu sameenayay.’

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -