Allbanaadir.com
NEWS

Hotel cusub oo banaankiisa la suray Calanka Soomaaliya oo la xiray !!

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Somaliland ay xireen hotel cusub oo dhawaan laga furay magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland ayaa xiray Hotelka cusub ee loo bixiyay magaca Peace Hotel xili ay gudaha Hotelka ka socotay munaasabad cusub oo lagu daah furayay hotelkan oo dhawaan laga hirgaliyay magaalada Laascaanood.

Sida aan wararka ku helnay xiritaanka hotelkan cusub ayaa sabab looga dhigay Calanka Soomaaliya ee lagu dhajiyay afaafka hore ee Hotelka, waxaa sidoo kale Hotelka banaankiisa lagu xiray calamo kale uu ku jiro midka Somaliland iyo kan Kenya.

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa sidoo kale xiray Wariye ku sugnaa hotelka munaasabada ka socotay, waxa ay sidoo kale ciidamada qalabka Warbaahinta ka aruuriyeen wariyaal kale oo hotelka ku sugnaa.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaana laga ogoleyn calanka Soomaaliya in lagu dhax arko, waxaana horey magaalooyin uu ka arimiyo maamulka Somaliland lagu xir xiray dad xirtay dhar ka sameesan astaanta calanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Monica Juma oo War yaab leh ka soo saartay kiiska Badda ee Kenya & Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Duqa Muqdisho iyo danjire James Swan oo ka wadahadlay qodob Muhiim ah

Caydiid Ali

Dayuurado caalami ah oo ka baaqday garoonka Aadan Cadde & DF oo ka hadashay

Caydiid Ali