Afar nin oo kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar oo toogasho lagu dilay

Ciidamada booliiska dalka Hindiya ayaa toogasho ku dilay afar nin oo lagu tuhmay in kufsi iyo dil arxan daro ah u geesteen gabar 27-sabo jir ah oo kamid aheyd dadka kunool magaalada Hyderabad.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ragan kufsiga geestay la toogtay kadib markii ay isku dayeen in ay ka baxsadaan gacanta ciidamada amaanka, waxaa sidoo booliiska sheegeen in ragan damceen in askari ka qaataan hubka.

Taliye Ku xigeenka Booliiska Magaaladda Hyderabad Prakash Reddy ayaa Warbaahinta u sheegay in ragan la tuhmayay la toogtay kadib markii ay isku dayeen in hub ka qaataan askari kadibna baxsadaan.

” Waxay isku dayeen in hubkiisa ka qaadan mid ka mid ah ilaalada booliiska, ka dibna waa la toogtay, waxaanu yeernay ambalaas, hase yeeshee waxay geeriyoodeen ka hor gargaarkii caafimaad ee aan u dalabnay” ayuu yiri taliyaha.

Ragan la toogtay ayaa la sheegay in kufsi wadareed u geesteen gabar 27-sano jir ah kadibna nolosha ku gubeen, waxaana falkan aad uga argagaxay dadka kunool dalka Hindiya kuwaa oo dowlada ugu baaqay in wax ka qabato kufsiga haweenka loo geesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -