Maalgashadayaal u dhashay Shiinaha ah oo gaaray magaalada Garawe (Daawo Sawirada) 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maalgashadayaal u dhashay dalka Shiinaha, kuwaasi oo Puntland u yimi inay maalgashi ka sameystaan.

Maalgashadayaasha u dhashay Shiinaha ayaa ka socda shirkadda U-TON HONG KONG, waxayna Puntland u yimaadeen si ay u maalgashtaan Xoolaha Nool, kalluunka iyo sidoo kale Koronto laga dhaliyo ilayska qoraxda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey soona dhoweeyay in ganacsatadan Shiinaha ka yimi ay maalgashi ku sameystaan Puntland, Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland soo dhoweynayso dadka dalka maalgashanaya, taasina qeyb ka tahay siyaasadda maalgashiga ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Mudane, Maxamed Rooble Cabdi (Ilyaas) iyo Ganacsadaha Shirkadda Green Land Cadbulqaadir Nuur Xasan Isbatoore oo kala shaqeynaya Shirkadda U-TON HONG KONG arrimaha maalgashiga Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -