Xukun adag oo lagu riday nin Soomaali ah oo geestay weerar toorey loo adeegsaday

Maxkamad kutaala magaalada Mancheser ee dalka Britain ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah oo ka dambeeyay weerar khasaaro geestay oo loo adeegsaday toorey ama Mindi.

Mahdi Maxmuud ayaa lagu helay in uu isku dayay in uu toorey ku dilo sadex ruux uu ku jiro askari booliis ah kadib markii dadkaasi oo meel wado ah marayay uu ku weeraray toorey uu watay.

Dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay ayaa ninkan Soomaaliga ah toorey la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo isku dayay in uu qabto.

Maxkamadda Manchester Crown ayaa ninkan Soomaaliga ah oo qirtay qaar kamid ah dambiyada lagu soo eedeeyay ku riday xukun xabsi daa’in ah, waxaana maxkamada ninkan ku heshay in uu geestay falal argagaxiso.

Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.

Weerarka uu geestay ninkan Soomaaliga ah ayaa dhaawacyo waxa ay kasoo gaareen lamaane wada socday iyo sidoo kale askari booliis ah oo isku dayay in uu joojiyo weerarka wiilkan Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -