Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalamiga ah ee dalalka Afrika & Talyaaniga (Sawirro)

Shir u dhexeeya dalalka Afrika iyo Talyaaniga looguna magaca daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Waxaa si wadajir ah u furay shirkan Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re).

Inta uu socdo shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Ganacsiga Dalxiiska, iyadoo ay iska kaashanayaan wadamada Talyaaniga iyo Afrika oo Soomaaliyana ay kujirto sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsiga Dalxiiska ee labada dhinac, wuxuuna socodn doonaa muddo labo maalmood ah.

Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeey) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirkan (Africa & Italy Business Week) ayaa dowladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda ku ammaanay martigelinta muhaajiriinta Afrika ee dalkaasi galaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -