Meyd laga soo saaray Dhismo soo dumay & Cumar Filish oo digniin culus diray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud (Cumar Filish) ayaa maanta markale booqday dhismaha qadiimiga ah ah ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere halkaas oo laga soo saar meydka gabar 15-Jir ah oo uu kusoo dumay dhismahaasi.

Shalay ayey markii waaxda gurmadka deg dega iyo dabdamiska ee D.H.Xamar oo kaa shaneysa dadka deegaanka ay ku guuleesteen in dhismaha qadiimiga ah ee wasaarada arimaha gudaha hoostiisa laga soo saaray 2 qof oo ku duntay dhismihii ay kunoolaayeen kadib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan dhismooyinka qadiimiga ah si aysan u dhicin qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Roob saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo khasaarooyin kala duwan, waxaana soo dumay guryo qadiimi ah iyo qaar kamid ah laamiyada Muqdisho, waxaa sidoo kale biyo badan galeen guryo badan.

- Advertisement -