Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashada Somalia

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay ayaa galabta kulan xasaasi ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Somalia, Xaliimo Ismaaciil iyo guddoomiyaha bulshada Rayidka Cusmaan Macallin iyo xubno kale

James Swan ayaa u sheegay golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020 uu u baahnaan doono heshiis siyaasadeed iyo isfaham guud.

“Muhiimadu waa in Baarlamanka Soomaaliya uu meel mariyaa sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka badalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhamaadka Disembar si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada” ayuu yiri James Swan.

Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, qorshaha cusub ee horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo-Yarey ayaa iyana ka hadashay doorashada iyo arimaha u qorsheysan guddigooda, iyadoo xustay in Guddigooda ay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor oo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -