Dhaqtar ajnabi ah, muddo badana la sugayey oo ka howlgalay Mogadishu Memorial Hospital

Maamulka Mogadishu Memorial Hospital ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargalinaya in Isbitaalka uu ka howlgalay Dhaqtar ajnabi ah muddo badan la sugayey kaasoo ku takhasusay Daaweynta cudurada ku dhaca Haweenka iyo qaliinada la xiriira.

Dr. Sami Naim Saker oo ka ah dhaqtar u dhashay dalka Siiriya oo waqti badan ka soo shaqeeyey Isbitaalo ku yaalla Qaarada Yurub gaar ahaan dalalka Belgium iyo Ingiriiska ayaa Muqdisho u yimid sidii uu Haweenka Soomaaliyeed uga daweyn laheyd dhalmo la’aanta, qaliinada burooyinka minka gala, furista tubooyinka ugxaanta qaada iyo cuduro kale.

Agaasimaha Isbitaalka Mogadishu Memorial Dr. C/waaxid Aadan ayaa sheegay in maamulku uu dedaal u badan u galay sidii uu dalka ku keeni lahaa isbitaalkoodana uga howlgeli lahaa Dr. Sami Naim Saker taasoo uu sheegay iney ugu dambeyn ku guuleysteen

“Daweynta ka sokow dhamaan qaliinada uu sameynayo Isbitaalka Mogadishu Memorial Hospital  ayaa loo adeegsan doonaa qalabka casriga ah ee loo yaqaano (Laparoscopy Laser) waxaana dadweynaha ku wargalinayaa inay ka faa’iideystaan dhaqtarkan dalkooda hooyo loogu keenay” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Cabdi-waaxid Aadan ayaa ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka Mogadishu Memorial Hospital isagoo ku taqasusay cudurada Guud, neerfaha, madaxa iyo Waalida.

Isbitaalka waxaa uu leeyahay sheybaar casri ah, shaqaale aqoon sare u leh howlaha ay qabanayaan oo uu u dhan yahay qalabkooda caafimaadka.

Mogadishu Memorial Hospital ayaa ka soo guuray xaruntiisii hore ee ku tiilay agagaarka dhismaha Safari apartments ee degmada Hodan, wuxuuna u guuray xarun kale oo ku taalla dhabarka dambe ee hotelka Shamo, kala xiriir wixii faahfaahin ah telefanada kala ah:- 0616552120 ama 0699227779 Muqdisho Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -