Dhagxaan lagu jaray Wadooyinka soo gala xarunta Xisbiga Wadani (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland laga dareemayaa xiisad ka dhalatay banaan baxa uu ku baaqay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarad ee Wadani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) .

Ciidamo badan oo katirsan booliiska Somaliland ayaa xalay iyo saakay la dhigay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Hargeysa gaar ahaan wadooyinka soo gala kana baxa xarunta Xisbiga Wadani.

Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga Wadani ayaa sidoo kale xalay lagu jaray dhagxaan si aysan gaadiidka u isticmaalin, waxa ayna ciidamada Somaliland saakay wadaan dadaal kasta ay ku joojinayaan banaan baxa xisbiga Wadani ku baaqay.

Xiisada siyaasadeed ee saakay ka taagan magaalada Hargeysa ayaa kasii dartay kadib markii xalay fiidkii ciidamada amaanka maamulka Somalilnad ay xireen masuuliyiin katirsan xisbiga Wadani.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xalay qoraal uu soo saaray ugu baaqay taageerayaashiisa in ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Hargeysa si dareenkooda u muujiyaan.

Taliyaha booliiska Somaliland ayaana mamnuucay in wax isku soo bax ah aan laga sameyn karin magaalada Hargeysa, waxaana taliska ciidamo badan oo kahor taga banaan baxa ku daadiyay wadooyinka magaalada Hargeysa.

- Advertisement -