Gudoomiye Mursal oo ka hadlay Xiliga ay dhaceyso Doorashada Soomaaliya

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya, xili ay soo baxayaan hadal heyn ku aadan in dowlada hada jirta ay wado qorshe ay ku sameesaneyso mudo kororsi.

Mursal ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay dhici doonto xiliga loogu tala galay, waxa uuna meesha ka saaray in dib u dhac ku yimaanayo doorashada iyo in dowlada ay mudada kororsaneyso.

“Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mudo xileedka dowlada uu yahay afar sano ayna ku qoran tahay dastuurka, waxa uuna tilmaamay in dowlada hada jirta hadii afarta sano dhameesato doorasho cusub la qabanayo.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa shaki badan ka qaba in doorashada Soomaaliya ay dhacdo xiligii la qorsheeyay, waxa ayna sheegeen Mucaaradka in wali kala cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa xili hal sano ka har santahay jiritaanka dowladan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -