Xasan Shiikh: “In Madaxdii dalka ay howl ka dhigtaan hebel yuusan dhoofin iwm waa nasiib daro ”

Madaxweyneihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey hadallo kasoo yeeray madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ahaa in garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ay biyo ku jireen taasina ay keentay in lagu taliyo inaan diyaarad weyni ka degin garoonka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in garoonka Beledweyne uusan biyo ku jirin, warka madaxweyne Waarena uu ahaa mid yaab leh.

“Diyaaradda aan wadanay 3-jeer diyaarado ka waaweyn ayaa ka dagay garoonka Baladweyne, Boorka garoonka ka kacayey markii diyaaraduhu duulayaan wuu ku booreysan karaa qofkii biyo uu ku weyseysto waaya, ku talagal bay ahayd wixii maanta dhacay been iyo dulmi ayey ahaayeen in la yiraahdo garoonka sidaan iyo sidaan ah” ayuu yiri xasan Shiikh.

Waxaa uu intaas ku daray in isku dayga la doonayey in safarkooda Belad-weyne lagu joojiyon uu ahaa mid siyaasadeysan oo ay ka dambeeyeen madaxda saree e dowlada federaalka.

“Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha dalka iyagoo ay u taalo howlo qaran oo aad u culus ay shaqo ka dhigteen iney isku yimaadaan oo telefano diraan oo yiraahdaan hebel waa safare hala xanibo iyo hebelow adiga been sheeg oo sidaasaa jirta dheh” ayuu yiri xasan Shiikh.

Waxaa uu sheegay in howlaha la xiriira garoomaha iyo duulista hawada ay leeyihiin heyaddo gaar ah oo loogu talo galay iney kala hagaan, ayna qalad tahay in madaxda dalka ay isku mashquuliyaan arrimo noocaas ah, iyadoo ay hor yaalaan waajibaad shaqo oo ka culus.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan iyadu weli jawaab ka bxiin xayiraadda la sheegay in wafdiga Madaxweynayaashuu hore loogu gaystay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo kan Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -