Shan ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo xukun toogasho ah lagu fuliyey

Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa saaka dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish.

Ragga la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso, waxaana ciidamada ammnigu ay horay uga soo qabqabteen gudaha deegaanada Puntland.

Toogashada raggaan ayaa timid kaddib markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ay ku rideen xukun dil ah.

Magacyada raga la toogtay, ayey maxkamaddu ku sheegtay Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah, Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -