(Akhriso) Cabdikariin Guuleed oo War ka soo saaray xiisada ka aloosan Galmudug

(Akhriso) Cabdikariin Guuleed oo War ka soo saaray xiisada ka taagan Galmudug

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dowladda iyo Ahlu Sunna ugu baaqay inay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, wixii is faham la’aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.

Hadalka Guuleed ayaa yimid ka dib xiisado dagaal oo 24-kii saac ee tagay ka jiray degaano ka mid ah Galgaduud, iyadoo ciidamada dowlada ay la wareegeen degmooyin ay ku sugnaayeen Ahlu sunna.

Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Cabdikariin Guuleed ayaa u qornaa sidatan:

BAAQ NABADEED.

Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato.

Colaadaha iyo is fahamdarida soo noqnoqday ee deegaanadaasna ay ka reebeen dadka reer Galmudug asaagooda dowlad gobaleedyada kale ee ku naaloonaya nabad, xasilooni iyo horumar dhan kasta ah.

Waxaana ayaan dari ah in ayadoo lagu guda jiro geedi socodka maamul dhisidda Galmudug in xasarado iyo guluf colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan.
Haddaba waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu sunaba arimaha soo socda:

1. In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo wadahal.

2. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -