Raisul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiin kale oo kusii jeeda Dhuusomareeb xili halkaasi ay…

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in mar kale tago magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, si uu u xaliyo khilaaf siyaasadeed iyo xiisad halkaasi ka taagan.

Sida aan Wararka ku heleyno Kheyre ayaa tagaya magaalada Dhuusomareeb maalinta berito ah, waxaana maanta la filayaa in magaaladaasi gaaraan wafdi horu dhac u ah safarikiisa.

Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Guddiga doorashada ay magacawaday Wasaarada arimaha gudaha ayaa wali ka taagan magaalada Dhuusomareeb, waxaana guddigaasi kahor yimid kooxda Ahlu Sunna oo iyana guddi kale sameesay.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan , waxaana magaalada gaaray ciidamo badan oo kala taabacsan Ahlu Sunna iyo Dowlada.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo safarka ku wehliya ayaa Dhuusomareeb u tagaya xalinta xiisadaha taagan iyo sidii looga shaqeyn lahaa dhameestirka maamul u dhisida Galmudug.

Kheyre ayaa horey waqti badan ugu bixiyay dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna bilo joogay magaalada Dhuusomareeb halkaas uu heshiisyo kula galay Ahlu Sunna kana shaqeeyay in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -