Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo saakay la geeyay Dhuuso Mareeb

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saakay magaaladaasi ka degtay diyaarad waday ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya.

Ciidamada saakay la geeyay magaalada Dhuusomareeb oo tiradooda lagu sheegay ilaa lixdan askari ayaa ku hubeesan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa ayna ciidankan yihiin kuwa si gaar ah u tababaran.

Sida aan wararka ku heleyno ciidankan ayaa loogu tala galay in ay xoojiyaan ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb, waxaa sidoo kale waraarku sheegayaan in ciidankan sugayaan amaanka wafdi dowlada katirsan oo ku wajahan Dhuusomareeb.

Xaalad kacsanaan ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay magaalada Dhuusomareeb, kadib markii kooxda Ahlu Sunna kahor timid guddiga doorashada ee dowlada magacawday iyadoona kooxdaasi guddi kale iyana magacawday.

Masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada federaalka ayaa la filayaa in magaalada Dhuusomareeb u tagaan xalinta khilaafkan ka taagan magaalada Dhuusomareen si loo guda galo qaban qaabada doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -