Gabdho loo balan qaaday Masuuliyiinta ka qeyb gashay Caleemo Saarka Axmed Madoobe

Waxaa magaalada Kismaayo ka socota munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),waxaana munaasabada ka qeyb galaya madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay.

Ugaas Cumar Xiirey oo ah Afhayeenka Salaadiinta Jubaland oo ka hadlay Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa si weyn uga mahad celiyay madaxda kala duwan ee kasoo qeyb gashay munaasabada.

Waxa uu munaasabada ka sheegay Ugaas Cumar Xiirey isaga oo ku hadlaya magaca salaadiinta Jubbaland in gabdho siinayaan Madaxda iyo wafuuda kale ee Kismaayo u timid caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

Ugaaska ayaa sheegay in mudan yihiin Madaxda iyo wafuuda kale ee Caleemo saarka u timid in gabdho iyo fardo la siiyo, waxa uuna ka codsaday Madaxda iyo wafuuda kale in ay ka aqbalaan gabdhaha ay la jeclaadeen.

Hadalka Ugaaska ka sheega Munaasabada caleemo saarka ayaa si weyn loogu sacabo tumay, waxaana la ogeyn in Ugaaska ka dhabeyn doono balan qaadka uu sameeyay ee ah in gabdho reer Kismaayood ah siinayaan dadka kasoo qeyb galay caleemo saarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -