Yaa iska leh dayuuradii maanta jebisay xayiraadii DF ku soo rogtay Kismaayo? (Xog-hoose)

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in ugu dambeyn ay xal u heleen muhkiladii ka heysatay sidii ay Kismaayo ku soo ku soo gaari lahaayeen wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka Axmed Madoobe ka dib markii ay soo iibsadeen dayuurad gaar ah.

Dayuuradan ayaa maanta Kismaayo geysay wafdi ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka yimid magaalada Nairobi kuwaasoo ka mid ah wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka Axmed Madoobe.

Talaabadan ayaa xad gudub ku ah amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa inay diyaaradaha aada Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya soo maraan Muqdisho iyo amar kale oo isna sheegayey in dayuuradaha ka baxaya Muqdisho ee tagaya Kismaayo ay soo weydiistaan fasax 24 saac ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdigan ayaa caddeeyay in Jubbaland ay yeelatay dayuurad u gaar ah oo loogu talo galay iney Kismaayo geyso wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rajeynayaa inuu noogu soo hambalyeeyo diyaaraddan ay leedahay Jubbaland” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisu u muuqday mid jees jees ah.

Raad-raac lagu sameeyey sumada dayuuradan ayaa lagu ogaaday inuu nooceedu ahaa Fokker-50 registration 5Y- JXJ, waxaana iska leh shirkadda Skyword Express ee dalka Kenya oo uu leeyahay ganacsade Isaac somo.

Ganacsadahan ayaa la soo sheegayaa inuu leeyahay inta badan dayuuradaha Qaadka keena magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, waxaana muuqaal laga qaaday dayuurada oo garoonka Muqdisho ku sugan lagu ogaaday iney aheyd isla dayuuradii ku degtay garoonka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradan laga kireystay shirkadda iska leh uuna arintaas ka shaqeeyey ganacsade ka tirsan xildhibanada Baarlamanka Somalia, iyadoo la filayo in dowlada Somalia oo baaritaan wada ay ku soo rogto mamnuucis shirkadda iska leh dayuuradan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -