Allbanaadir.com
NEWS

Isbadal Saakay Muqdisho laga dareemayo kadib is Casilaadii Gudoomiye Jawaari

Gudoomiyaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saakay is casilay,waxaana is casilaada kadib baaqday kulan la filayay in Xildhibaanada ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ugana doodaan Mooshinka.

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi la dhigay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya.

Kulankii ay ku balansanaayeen Xildhibaanada golaha shacabka loona xiray Wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa baaqday kadib markii ay soo baxday in uu is casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka.

Waxaa hada furmay inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay u xirnaa xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo kulamada la filayay in lagu qabto xarunta Baarlamaanka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana si weyn usoo dhaweeyay Go’aanka uu qaatay Jawaari uu isku casilay, waxa ayna shacabku sheegeen in hada ka harayo culees badan ay qabeen gaar ahaan xirnaashaha wadooyinka oo dhib badan lagu qabay.

Isbadal weyn ayaana maanta laga dareemayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinkii xirnaa oo la furay, waxaana inta badan goobaha ay dadku isugu tagaan lagu hadal hayaa is casilaada Gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Qodobada lagu heesto Su’aalahana laga weydiin doono Wasiir Maareeye

Cabdi Cade

Ciidanka TPLF oo la wareegay warbaahinta Maamulka Tigray

Caydiid Ali

Dal Soomaaliya daris la ah oo laga hirgelin doono Wershad lagu farsameeyo Gaadiidka LADA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---