Dhaxal sugaha Boqortooyada Ingiriiska oo qaaday talaabo naftiisa halis gelineysa (Sawirro)

Prince Harry oo u jira safka dhaxal sugeyaasha boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho uu ku marayo Koonfurta Qaaradda Africa ku daray waddanka Angola, si uu u dardar galiyo dadaallada ku aaddan in miinooyinka dhulka ku aasan la bixiyo ama la burburiyo.

Amiirka ayaa raacay raadkii hooyadiis, Princess Diana, oo sanadkii 1997-kii ku lugeysay dhul qeyb ahaan miinada looga saaray. Sawirrada laga qaaday xilligaas ayaa caan ka noqday dunida oo idil.

Miinooyinka dhulka ku jira ayaa wali sii galaafta nolosha kumannaan qof oo ku nool dalal badan oo ku yaalla adduunka.

Angola waxay ka mid tahay dalalka ay ku aasan yihiin miinooyinka ugu badan caalamka, maadaama uu waddankaas dagaal sokeeye ka socday intii u dhaxeysay 1975-kii ilaa 2002-dii.

Hay’adda samafalka Halo ee sameysa howlaha miino saarista ayaa sheegtay inaysan macquul ahayn in si sax ah loo ogaado goobaha ay miinooyinka ku jiraan ee dalkaas, laakiin waxay ku guuleysatay inay saarto ilaa 100,000 oo miino tan iyo sanadkii 1994-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -