Gabar ay dhashay Ilhan Cumar oo fariin culus u dirtay Madaxweyne Trump

Gabar ay dhashay Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa fariin ku aadan wax ka qabashada isbedelka cimilada adduunka u dirtay Madaxweyne Donald Trump.

Isra Xirsi oo ah gabadha Ilhan Cumar ayaa ugu baaqday Madaxweyne Trump in uu wax ka qabto isbadalka cimilada, waxa ayna ku goodisay gabadhaasi yar in hadii uu arintan wax ka qaban waayo in codkeeda u dhiiban doonto sidii Trump xafiiska looga eryi lahaa.

Gabadhan ayaa kamid aheyd caruur yar yar oo hoggaamineysay dibad baxa isbedelka cimilada caalamka kaas oo ka dhacay magaalada Minneapolis iyo sidoo kale qeybo kale oo caalamka kamid ah.

“Madaxweyne Trump, ficilladaada waxay hubaashii dhibaateynayaa dadka. Malaayiin qof oo ku nool dalkan ayey saameeyeen (ficilladaada), da’yar ahaan, dadka dib ugama istaagayaan in waxqabad la’aantan ay sii socoto”.ayey tiri Isra Xirsi.

Waxa ay sheegtay Isra Xirsi in ay sii wadi doonaan dibad baxyada ay da’yarta uga soo horjeedaan isbadalka cimilada aduunka ilaa aqalka cad isbadal ku dhaqaaqo waxna ka qabto cabashadooda.

“Waan sii wadi doonnaa in aan jidadka ku sugnaano illaa wax uun oo isbedel ah laga helayo xafiiskaaga (Trump). Waxaan u codeyn doonnaa in aad guuldareysato sababtoo ah waxaan u baahannahay hoggaamiye wax ka qabto dhibaatadan aan caadiga ahayn.”ayey tiri Isra.

Daafaha Dunida waxaa ka dhacay dibad baxyo waa weyn oo looga codsanayay hogaamiyaasha caalamka oo xiligan ku shirsan magaalada New Yourk in ay wax ka qabtaan isbadalka cimilada aduunka ee sii xumaanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -