Wararkii ugu dambeeyey lacagtii maanta laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde

Saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya uu la wareegay lacag $9 Milyan oo dollar taasoo manata dayuurad gaar ah ay ka soo dejisay garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Lacagtan oo laga lahaa lagana keenay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saraakiisha safaarada ay leeyihiin Muqdisho waxay ku doodeen inay tahay mushahar loogu talo galay ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Gobolka Banaadir.

Sida aan warar ku helnay saraakiil Soomaali ah oo ka mid ah ciidamada ay tababartay dowlada Imaaraadka ayaa difaacay aragtida dowladaas laakiin heyadda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia ee NISA ayaa diiday arrintaas, waxaana lacagtaas ay u qaaday oo la dhigay Bangiga dhexe si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka shakisay in lacagtan loo adeegsado qorsheyaal siyaasadeed oo iyada lidi ku ah, maadaama uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya labada dal oo xumaaday markii dowlada Somalia ka soo horjeesatay heshiiskii lagu qeybsaday saamiga maalgeshiga dekeda Berbera ee dhexmaray shirkadda DP Word ee dalka Imaaraadka, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiya.

Dayuuradii Keentay lacagtaas oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa loo diiday iney ka duusho garoonka Aadan cadde inkastoo caawa maqribkii dib loo fasaxay iyadoo ku laabatay dalka Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -