Maamulka G/Banaadir oo balan-qaad Muhiim ah ka helay Bankiga Adduunka (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan u dhaxeeyay Maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Word Bank (Bankiga Aduunka).

Waxaa looga hadlayay kulankan horumarinta mashaariicda lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Bankiga aduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka.

Waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bankiga in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-udhiska wadooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda JFS.

Ugu danbeyn Wakiilada Bankiga aduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowlada hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kasta oo lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -