Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

RW Khayre oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Marko (Sawirro)

-Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose.

Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qayb ka ah deegaannada ay dowladda federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Marka ku yimid lugtii ugu dambeysay ee socdaalka shaqo ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dil saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ireland: “Lama aqbali karo awooda ciidan ee DF u adeegsatay dibed-baxayaasha”

Caydiid Ali

Farmaajo oo si adag uga hadlay Weerarkii Liido Baaqna diray

Cabdi Cade