Safiirka cusub ee Somalia u magacowday USA oo aqoonsiga laga gudoomay

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo looga Guddoomay magaalada Washington

Danjire Cali Shariif Axmed Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka ayaa 17-kii Bishii July ee Sanadkaan waxaa magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu nuqul ka mid ah Warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay ku-xigeenka madaxa Protocol-ka Wasaaradda Mary-Kate Fisher.

Cali Shariif ayaa horay u ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ka hor inta aan xilkaasi laga qaadin, iyadoo safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Washington ay danjire la’aan aheyd muddo labo sano ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -