Somaliland oo jawaab yaab leh ka bixisay hadal ka soo yeeray taliyaha ciidamada Puntland

Abaanduulaha Ciidanka Somaliland Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeeray taliyaha ciidanka Puntland oo sheegay in Badhan ka mid tahay dhulka Puntland aysana sheegan Karin Somaliland.

Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka taliyaha Puntland isagoo uga digay inuu ku soo xad gudbo dhulka Somaliland.

“Taliyaha ciidanka Puntland waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Al-shabaab oo ay iskaashadaan, haddii aan taas ka jawaabo caalamku wuu og yahay in Al-shabaab iyo burcad badeed midna aysan saldhig ku lahayn Somaliland, waxaan leeyahay hoos u eeg deegaankaaga inta saldhig ee ay ku leeyihiin”ayuu yiri Abaandulle Bulaale.

Waxa uu intaas ku daray in degaanka Badhan iyo degaano kale oo ay sheegato Puntland ay leedahay Somaliland wax gorgortan ahna aysan ka galaynin

“Waxa uu Badhan ku sheegay taliyahan iney tahay caasimada labaad ee Puntland, waxaan u sheegaya in Boosaaso uu xadkayagu u jiro 15 KM, Qardhana uu u jiro 7km, Garoowana 5-km. waxaan oran lahaa barro juqraafiga dalka aad leedahay ciidankiisa waan xukumaa” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka Somaliland” ayuu yiri Cabdirisaaq Siciid Bullaale.

Somaliland & Puntland ayaa waxaa ka dhex aloosan muran dhinaca xuduudaha ah oo soo bilowday tan iyo markii ay burburtay dowladiii milateriga ee dalka Maamuleysay 29 sano ka hor, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo dhiig badan uu ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com    

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -