Axmed Madoobe oo ka hadlay Xildhibaanada cusub ee loo dhaariyey Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu xubnahan Cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan.

Dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah Hay”adahooda Dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in amaanka iyo Midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaan soo haddal qaadin xildhibaanada kale ee looga dhawaaqay magaalada Kismaayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -