Nin Soomaali ah oo geeriyooday ka dib marka uu Dab is qabad siiyay Dalka Libya !!

Muhaajiriinta Soomaalida ee dalka Libya ku dhiban

Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Muxamed kana mid ahaa Muhaajiriinta Soomaalida ee dalka Libya ayaa Naftiisa Dab qabad siiyay islamarkaasina u geeriyooday dhaawacaas ka dib marka isaga iyo Xaaskiisa magacyadooda ay ka waayeen Liiska Tahriibayaasha UNHCR ay u aqoonsatay Qaxootinimada.

Xaaska Wiilka Soomaaliga ah Layla oo 21 jir ah oo la hadashay BBC qaybta Afka Carabiga ayaa sheegtay marka hore ninkeeda in Xaaladda uu ka qaaday niyad jab, xilli casar ayuuna is gubay ka dib marka uu Jirkiisa mariyay Basiin, taasoo argagax igu riday bay tiri Layla. Balse waxa uu ku geeriyooday isbitaalka muddo ka dib.

Layla ayaa sidoo kale sheegtay in muddo laba sano ah ay soo mareen dhibaatooyin xanuun badan islamarkaasina ayada iyo Ninkeeda inay soo mareen seddex dal ka dib marka uu Muqalas ka qaatay lacag.

Ninka is gubay Xaaskiisa ayaa sheegtay Nolosha xerada ay ku xirnaayeen ee Sikka Road in ay ahayd mid Qalafsan taasoo ka mid ah 12 xero oo ay maamusho Xukuumadda Libya.

“Waxaan ku xirnaa qol yar oo aan kula jiray 50 Haween, waxaana heysanay Hal Baaldi si aan ugu Adeegsano Baahideena dhinaca Suuliga” Ayay tiri Layla oo la hadashay BBC Arabic.

Layla ayaa intaas ku dartay in aysan haysan Cuno iyo biyo ku filan, qaarkeen waxay la ildarnaayeen cudurka Qaaxada, halka qaarna ay u dhinteen., Waxaan nagula cadaabi jiray Koronto, ayay hadalkeeda raacisay layla.

Hey’adda UNHCR ayaa BBC u sheegtay in wakiiloka socday xafiiskooda inuu booqday meesha ay ku xirnaayeen maalinta uu geeriyooday wiilka Soomaaliga ah, laakiin booqashadeena wax xiriir ah lahayn geeridiisa.

Xafiiska UNHCR ayaa xaqiijisay in ay qorshaynayeen in ay soo qaadaan Wiilka geeriyooday iyo Xaaskiisa ee magan galyo doonka ah bisha soo socota ee September.

UNHCR ayaa beenisay inay ku lug leedahay Sharciyeenta waxa ka socda xerada Sikka Road oo ay ku xareysan yihiin Muhaajirinta, balse waxa ay xaqiijisay in ay dadaal badan ku bixinayso hagaajinta nolosha xerada Sikka Road.

Laakiin waxaa jira qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo arrintan ka soo horjeedsaday, oo laba hay’ad oo samafal ah ayaa durbadiiba joojiyey wada shaqeyntii ay la lahaayeen Xeryaha iyo UNHCR.

Lammaanahan, Maxamed iyo Layla, ayaa ka cararay xagjiriinta al-Shabaab ee Soomaaliya sanadkii 2016, gaar ahaan Magaalada Kismaayo, laakiin waxay ku dambeeyeen gacanta kooxaha Burcadda Dadka tahriibiya ee dalka Liibiya.

BBC Qaybta Afka Carabiga ayaa sheegtay magacyada Wiilka geeriyooday iyo Afadiisa in ay u bedeleen asbaabo la xiriira nabad galayada Layla.

Hussein Sahnuni
Source BBC Arabic
Qaahira -Masar