Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada oo toogtay Haweeney dooneysay in ay is qarxiso

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa toogasho ku dilay haweeney la sheegay in waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen ayna dooneysay in ay isku qarxiso saldhiga booliiska Baardheere.

Haweeneydan ciidamada amaanka toogteen ayaa la sheegay in bambaano ku tuurtay ciidamo ku sugnaa banaanka saldhiga, waxaana ciidamada durba haweeneydan ku fureen rasaas keentay in ay geeriyooto.

Labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada  ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen bambaanada ay haweneydan ku tuurtay saldhiga booliiska degmada Baardhaare.

Sargaal katirsan ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Baardheere ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen haweeneyda bambada kusoo tuurtay, waxa uuna xusay in markii la baaray laga helay waxyaabaha qarxa oo ku xirnaa.

Haweeneyda lagu toogtay degmada Baardheere ayaa la sheegay in ay ka tagtay magaalada Baydhabo una tagtay Baardheere si ay uga fuliso qarax ay la beegsato saldhiga booliiska degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Saciid Deni oo Xil u magacaabay Hodon Saciid Xasan (Wareegto)

Cabdi Cade

Guddi khilaaf ka dhex abuuray Madaxda sare ee Puntland oo la dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee ka bogsaday COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---