(Sawirro) Wafdigii IGAD oo la kulmay Xildhibaanada federaalka ee taageersan Axmed Madoobe

Wafdigii ka socday Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo u jooga si ay ugu kuur galaan habsami u socdka doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo degaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan ka dhagaystay aragtidooda la xiriirta sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo dhamaan dadka reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka u dagsan Jubbaland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubbaland Xildhibaanada ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin sida ilaa hada howlahu ay u socdaan isla markana gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugayo in si habsami leh ay doorashooyinku ku dhacaan.

Waxaa xildhibaanadu sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida indho la’aanta ah ee Dowlada Federaalku iskugu dayayso inay fara galiso hanaanka doorashooyinka Jubbaland taasoo wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayso Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa wafdiga IGAD u sheegay in dadka ree Jubbaland ay mid yihiin isla markana aanay wax dhibaato ah ka dhex jirin loona baahan yahay in aan dhib la kala dhex dhigin.

Wafdigan xaqiiqo raadinta ah ayaa illaa shalay kulamo ka waday magaalada Kismaayo, iyagoo la kulmay guddiga doorashooyinka, musharaxinta, odayaasha soo xulaya baarlamanka Jubbaland iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -