(Akhriso) Dowladda Maraykanka oo War xasaasi ah ka soo saartay doorashada Jubbaland

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Doorashada muranka ka taagan yahay ee maamul Goboleedya Jubbaland, kadib booqasho uu ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ku tegay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ku- xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhinaca siyaasadda David Hale uu Muqdisho kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayna ka wadahadleen horumarka siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya ka gaartay sidii looga can lahaa Deynta.

Qoraalka ayaa waxaa laloo lagu sheegay in David Hale uu caddeeyay rajada uu Mareykanku ka qabo in Maamulka Jubbaland ay ka dhacdo doorasho si nabad xor ah ku dhacda aakhirka bishan iyo inuu dhiirigelinayo sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd Soomaaliya sanadka 2020-ka.

“Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Magaalada Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay Dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Isbedelka Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha iyo dadaaladda Xasilinta ee Somalia” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu daabacay website-ka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee www.state.gov.

David Hale iyo Xasan Cali Kheyre ayaa isku raacay qiimaha Hawlgalladda Ammaanka ee lagula wareegayo Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan sida qoraalka lagu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -