Maxaa ka jira in dowlada Qatar taageereyso Mid ka mid ah Musharaxiinta Jubbaland?

Dowladda Qadar ayaa la sheegay iney taageereyso mid ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Juballand sida ay baahisay shabakada Qatar Leaks.

Shabakada oo soo xiganeysa xog laga helay ilo kala duwan ayaa intaas ku dartay in dowladda Qadar ay  ka soo horjeeddo inuu kursiga mar kale ku soo laabto Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Qatar Leaks waxay daaha ka rogtay in dowladda Qadar ay taageerayso Musharaxa C/Naasir Seeraar oo Axmed Madoobe ay wada hogaamin jireen Jabhaddii Raaskampooni balse haatan si weyn uga soo horjeeda, kana mid ah musharaxiinta u taagan xilka ugu sareeya Jubbaland.

Taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Qadar ugu talo gashay Seeraar inuu ku galo doorashada loo marsiiyo, Ku-simaha ahna taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo si weyn ugu dhow amiirada xukuma Qatar sida ay shabakadu qortay

Qatar Leaks ayaa xustay in Warbaahinat Kenya qaar ka mid ah ay dowladda Qadar dhaqaale ku siisay buun-buuninta C/Naasir Seeraar waxaa si gaar ah isha loogu fiiqay Wargeyska Daily Nation oo warbixinno dhowr ah ku taageeray C/Naasir Seeraar oo mar ahaan jiray garabka Midig ee Axmed Madoobe.

Dowlada Somalia iyo xulufadeeda ayaa dedaal xoog leh ugu jira iney saameyn adag ku yeeshaan doorashada Jubbaland si ay meesha uga saaraan Axmed Madoobe oo weli Kismayo ku leh awood badan.

Halkan ka akhriso warbixinta shabakada Qatar Leaks  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -