Madaxweyne Farmaajo ma fulin doonaa hal arin uu kahor taagnaa Baasaboorka Mareykanka?

Had dheer iyo had dhow, ma aheyn mid la hilaadiyo, siyaasi soomaali ah, inuu ka tanaasulo dhalashada uu ka heysto dhul kaloo shisheeye.

Albaabka uu furay  madaxweyne Farmaajo, waxaa si dareen leh usoo dhoweeyay dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada jacel!, iyagoo qaati iyo quus ka taagnaa siyaasiyiinta dhalashooyinka ka heysta dalalka ajnabiga ah, kuwaasoo xil iyo xoolo usoo doonta dalka, kaba darane, marka laga xabuubiyo, amaba xaalka ku xumaado, si aan xishood laheyd dib isaga xaadiriya halkii ay marka hore kasoo xirxirteen.

Go’aanka madaxweynaha, dantii la doonaba  haka danbeysee, qasadkii larabana haku qarsoonaade,e, waa mid DAN WEYN u ah dadka soomaaliyeed ee dowladnimada daneynaya. Waxeyna bilow fiican u tahay in la galo dadaalkii dastuurka loogu dari lahaa in muwaadin labo dhalasho heystaa aanu dalka xil ka qaban karin ilaa uu ka tanaasulo mida shisheeye, iyadoo taasi keeneyso in la helo dad daacad u ah dadkooda iyo dalkooda.

Hadaba Passaboorka ajnabiga muxuu caqabad leeyahay?!

Horaa loo yiri “ninkii labo dal yeeshaa midkood buu dayacaa” Inta badan siyaasiyiinta heysta dhalashooyinka reer galbeedka marka ay xil qabtaan,waa kuwo aan xor u aheyn gaaridda go’aamo qaar oo dalkooda quseeya!; sidoo kale waxaysan awoodin inay dabaqaan qodoba dadtuurka ka mid ah, iyagoo ka baqaya inay ka hor yimaadan dastuurka dalalka ay dhalashada ka heystaan, taasoo keeni karta in jinsiyadda laga xayuubiyo ama lagu xukmiyo.

Arrimahaas waxa ay sababeen in la fulin waayo howlo badan oo dastuuri ah, sido kale laga hadli waayo kuwo  badan oo ay aheyd in laga war celiyo. Kuna garo taas, siyaasiyiinta marna  wax dhaliila marna dhawaaqoodu aan la maqal.

 Muxuu madaxweyne Farmaajo ka hortaagnaa heysashada dhalashada mareykanka?

 Ma aqaan sababta, laakin waxaa lagu mala weynyahay, Haysashada dhalashada mareykanka, in madaxweyne Farmaajo ka hortaagneyd fulinta waxa ugu weyn uguna muhiimsan ee ay umadda soomaaliyeed baahi badan u qabto, taasoo ah caddaalada.

 Tan iyo intii madaxweyne Farmajo la doortay, waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay xukunnadii qisaasta ahaa ee lagu fulin jiray gacan ku dhiigleyaasha la xukumay. Waxa ay taasi sahashay in dilalka askarta dowladda geystaan uu noqdo tusbax furmay, sidoo kale tiro maleh ragga Alshabab ka tirsan oo lagu xukumay dil toogasho kuwaas oo aan weli fulintooda laga fakirin!.

 Sababta loo fulinwaayay xukunnadaas qisaasta ah ayaa ahaa, in madaxweynuhu  uusan saxiixin falka fulintiisa.

 Madaxweyne Farmaajo wuxuu heystay dhalashada mareykanka . wuxuu matalayay muwaadin mareykan ah oo ku dhaaraty dastuurka dalkaas. Sida cad, waxay taasi ka reebeysay fulinta falalka kasoo horjeeda dastuurka Mareynkanka. Dastuurka Mareykanka wuxuu si cad u reebayaa in qofkii dil bareer geysta aan la dilin, bedelkii xabsi lagu xukumo. Haddii uu ku xadgudbana waxay ka dhigneyd inuu jabiyay sharciga dalkaas taasoo wax yeeleyn kartay dhalashadiisa.

 Gef waa dhacaa waase laga garwaaqsadaa, waxaa la rajeyneynaa mar haddii uu madaxweyne Farmaajo celiyay jinsiyaddii ka hortaagneyd fulinta caddaalada, in markan uusan hor istaagi doonin in la qisaaso gacan ku dhiigleyaasha.

 Sido kale, Waxaa la sugayaa, talaabadan uu qaaday madaxweynaha, inaysan noqon mid isaga keli aan ku ekaan, asii ay ku dayan doonaan dhamaan kooxdiisa Nabad iyo Nolol, oo ay, haba ugu horreeysee ra’iisul wasaare KHEYRE.  Giraantu ha wareegto!

W/Q  Abdinasir Safaana

Email:  Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -